Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Xanuunkii Xamar oo weli Xabadkeyga kaxiimaayo, miyaa hadane Boosaaso Balaayo laga soo sheegay?

January 30/2010

Inkastoo shacabka reer Puntland aysan wada xumeen, haddana haddii Qomiyad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan loo ogaarsado sabab la’aan, hadana la waayo cid ka hadasho amaba udoodo. Waa nasiib darro aad u weyn

Qowmiyadda Jareerweyne amma Somalibantu ayaa la kullantay Xaqdaro iyo Cadaalad tan iyo intii ay Somaliya Xurnimada khadatayba, Xuquuqdoodii wadanimo oo ay ku lahaayeen dalka ayaa waxaa markii horeba duudsiiyey maamuladii dalka ka jiray burburkii ka hor.

Waxaa laga ilaaliyey ama laga takooray markoodii horeba dhanka siyaasadda, jagooyinka sare ee dowlada, dhaqaalaha waxbarashada, waxaan intaasi u sii dheereed iyadoo dhul beereedkii ay lahaayeen, hab dowladeed loo boobi jiray, iyadoo shqsiyaad intay waraaqo ka soo qaataan dowladda kula wareegi jireen dhul beereedkii Somali bantuga.

Waxaa horay loo baabi’yey taariikhdoodii, halgankoodii gobanima doonka, geesiyaashoodii la dagaalamay gumeystaha Talyaaniga, waxaa la biliqeystay dhaqamadoodii, sugaantoodii ciyaarohoodii hiddaha iyo dhaqanka ay u lahaayeen farshaxanadoodii, iyadoo loo bixiyey dhaqan Banaadiri lana siiyey qowmiyad kale, oo aan shaqo ku laheyn gurbaan iyo garxir toona.

Burburkii markuu dhacay waxaa si bareer ah loo boobay hantidii iyo deegaanadii ay lahayeen Qowmiyadda, iyadoo meelkasta ama deegaano kasta laga bara kiciyey soo loo xalaashado dhulkoodii qaniga ahaa, ee dhul beereedka ahaa.

Sida aan horay u soo sheegay, qowmiyaddan Jareerweyna oo markoodii horaba ahaa kuwa dhanka dhaqaalaha iyo awoodda laga ilaalin jiray, ayaa burburkii waxay noqdeen kuwa ugu tabarta yar, iyagoo aanan haysan ama aan helinba wax hub ah, oo ay isku difaacaan iyadoo xitaa laga ilaalinayey inay hub qaataan isna difaacaan.

Taasi waxay keentay inay ka barakacaan deeganadoodii, kadib markii cadaadis isugu jira dil kufsi iyo jirdil, addoonsi layskugu daray, waxayna qaarkood u qaxeen wadamada Soomaaliya dereska la ah, iyadoo qaarkooda gaaray ilaa Yaman, inta kalana waxay ku barakaceen dalka gudahiisa.

Dadkii ku barakacay magaala madaxda Xamar waan ogeen dhibkii iyo Naxariis daradii loogeystay oo loobixiyay Looma ooyaan. Dadkana mawada xummeen.Oraah baa dhaheyso, “Dembiga aan geysano oo kaliya malihin ee waxaan leenahay, kaan wax ka qaban wayno”. Diinta Islaamkuna taasi ayey qabtaa.

Puntland waxay aheed halkii ay Umada Jareerta ah in muda ahba, Nabad iyo xurmad Bini Adminimo ka heleen. Waxaase nasiibdarro noqotay markii ay dhibaato dhacday in ay Reer Puntland u dhaqmaan sidii Kuwii Xamar ee markii ay awooda heleen la waayay, Sharci, Adminimo iyo Diin celiso.

Ugu dambeen Su’aasheyda waxay tahay, reer Puntland ma magac cusub bey bulshada Jareerweyne u bixin doonaan mase Looma ooyaankii bey soo cusbeen doonan. mise qofkii dembi galaa, oo muwaadin Soomaaliyeed ama ha u dhasho Puntland ama ha ku soo barakaco, dembiilahaasi sharciga ayaa la marsiin doonaa.

Taasi waxaan u leeyahay, waxaa jirta xadgudubyo baahsan oo dhowaanahan loo geystay bulshada Jareerweyne ee ku barakacda deeganada Puntland, xadgudubyadaasi oo isugu jaray dilal iyo kufsi, ka dhacay deegaanadaasi puntland oo ilaa iyo haatan cid wax ka qabatay aysan jirin.

By: Cali Daud Nuriye






Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85 Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

» Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007